Madaxweynihii Nigeria Buhari oo ku geeriyooday London
Jul 13 (Jowhar)Madaxweynihii hore ee Nigeria, Muhammadu Buhari, oo hoggaaminayey dalka ugu dadka badan Afrika intii u dhaxaysay sanadihii 2015 ilaa 2023, ayaa ku geeriyooday magaalada London, sida uu sheegay afhayeenka madaxtooyada.
“ Madaxweynaha hore Buhari wuxuu maanta ku geeriyooday London, kaddib xanuun muddo dheer hayey,” ayuu yiri afhayeenka Madaxweynaha Nigeria, Bola Tinubu, isagoo qoraal ku daabacay bartiisa bulshada X
Buhari oo 82 jir ahaa, wuxuu sidoo kale ahaa madaxa taliska militariga Nigeria intii u dhaxeysay Janaayo 1984 ilaa Agoosto 1985, ayuu intaas ku daray afhayeenku.