Siyaasiyiinta mucaaradka oo kulamo gaar gaar ah ka bilaabay magaalada Muqdisho

May 23(Jowhar) Siyaasiyiinta mucaaradka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa saakay Muqdisho ka billaabay kulamo gaar-gaar ah, kuwaas oo horudhac u ah shir ballaaran oo lagu wado in todobaadka soo socod uu ka qabsoomo Muqdisho.

MW hore Sheekh Sharif Sheekh Ahmed, RW Hore Xasan Cali Kheyre iyo Cunar Cabdi Rashiid iyo xubno kale ayaa saaka gaaray xarunta Macallin Nuur, balkaas oo martiqaad logu sameeyay.

Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sidoo kale ku sugan xerada Mowlaca Macalin Nuur, iyadoo la filayo iney gelinka danbe ee manata wadajir Warbaahinta ula hadlaan.

Mowlaca Macalin Nuur ayaa lagu xasuustaa in mudo xileedkii hore ee madaxweyne Farmaajo ay sidan oo kale musharixiinta iyo siyaasiyiinta mucaaradka ahaa xiligaasi oo uu madaxweyne Xasan hoggaaminayay ay kulamo ku qabsanayeen isla Mowlaca, waana meel madap u eheyd ciidankii Badbaado Qaran.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More