Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay shil gaari oo ka dhacay magaalada Muqdisho

May 23 (Jowhar) Saddex ruux ayaa ku geeriyoodey labo kalena dhaawacyo culus ayaa soo gaarey kadib markii ay shil gaari galeen qoys ku socdey madal aroos Isgoyska Miiraanyo oo katirsan degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir.

Shilkan oo dadku si weyn uga argagaxeen waxaa geystay sarkaal la sheegay inuu ka tirsan yahay ciidanka madaxtooyada Soomaaliya, isagoo falka kadib goobta isaga baxsaday.

Ciidanka 77 ee ilaalada madaxtooyada ayaa gacanta kusoo dhigay gacan ku dhiiglaha, waxeyna ku warejeiyeen ciidanka booliska, iyadoo uu ku xiran yahay saldhigga booliska degmada Cabdi Casiis.

Shilalka ay geystaan gaadiidka waaweyn ayaa ku badan magaalada, waxaana sabab u ah xawaaraha sare ee darawalada ay gawaarida ku kaxeeyaan iyo hawaarida oo ah kuwo Qadiimi ah oo aan hore bareega ka qabsaneynin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More