Tirada dadka ku dhintey toogasho ka dhacday iskuul ku yaal Austria oo korotay
Jun 10(Jowhar)-Tirada dadka ku dhintey weerar ka dhacay iskuul ku yaal magaalada Graz ee dalka Austria ayaa gaartay 11 ruux iyadoo sidoo kale dhaawacuna uu ka badan yahay 20 ruux.
Booliska ayaa sheegay in ninka hubeysan oo 21 sano jir ah, horayna u ahaa arday, uu isku dilay gudaha suuli ama musqul wax yar ka dib markii uu weerarka geystey.
Dadka weerarka ku dhintey oo badankood ayaa ahaayeen arday ayaa 7 ka mid ah waxa ay ahaayeen dumar waxaana ay ahaayeen arday wax ka baranaysay iskuul.
Ardayda laga soo badbaadiyay weerarkan ayaa waxaa ka mid ahaa arday asalkoodu Soomaali halkaas qaxootinimo u tegey.
Booliska ayaa sheegay in ninka weerarka geystey oo hore wax uga baran jirey dugsiga uu ku hubeysnaa labo qori oo uu si sharci ah u haystay.
Hase yeeshee ninka weerarka geystey oo ka soo jeeda magaalada Graz ayaan la ogeyn sababta ku kaliftey inuu weerarkan ku qaado iskuul uu hore wax uga baran jirey balse uusan dhamaysan waxbarashadiisa.Dhacdadan ayaa ah tii ugu dhimashada badneyd ee abid soo marta dalkaasi.
Sannadkii 2020-kii, nin hubaysan oo lagu magacaabo Kujtim Fejzulai ayaa toogasho ku dilay afar qof 23 kalena ku dhaawacay weerar ka dhacay xaafad ku taal magaalada Vienna.
Dhinaca kale, sannadkii 2016-kii, nin hubeysan ayaa rasaas ku furay bandhig faneed lagu qabanayay magaalada Nenzing, isagoo dilay laba qof ka hor inta uusan is-dilin. 11 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay weerarka.
Magaalada uu weerarka maanta ka dhacay ee Graz ayaa magaalada labaad ee ugu weyn dalka Austria waxaana ku nool dad gaaraya 343,461 ruux.