Joe Biden oo laga helay cudurka Kansarka Qanjirada

May 19 (Jowhar)-Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka Joe Biden ayaa laga helay nooc halis ah oo ah kansarka qanjirka, kaas oo la sheegay inuu ku fidey lafahiisa.

Biden oo 82jir ah, ayaa baaritaan lagu sameeyay lagu ogaaday heerka uu gaarsiisan yahay cudurka ku dhacay Jimcihii, isaga iyo qoyskiisuna waxay dib u eegis ku sameynayaan dhakhaatiirta daaweyn lahayd.

Biden, oo soo noqday madaxweyne intii u dhaxaysay 2021 ilaa 2025, ayaa si lama filaan ah u soo afjaray ololihiisii ​​doorashada ee bishii Luulyo ee la soo dhaafay,kadib markii shaki laga muujiyay caafimaadkiisa.

Madaxweyne ku xigeenkii xilligaas Kamala Harris ayaa la wareegtay xilka musharaxa xisbiga balse waxaa bishii November ka adkaaday Trump.

Markii la doortay, Biden wuxuu ahaa qofka ugu da’da weyn ee ku guulaysta madaxtinimada dalka Maraykanka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More