C C Warsame oo madaxda dowladda ka dalbaday in deg deg loogu gurmado Macwuusleyda Hiiraan
May 19(Jowhar)Xildhibaan Cabdi raxmaan Cabdi shakuur Warsame ayaa ka hadlay dagaalka culus ee u dhexeeya Shabaab iyo macwuusleyda beesha Xawaadle, kaasoo si xooggan uga socda deegaanka Mubaax ee gobolka Hiiraan.
Xildhibaanka oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa madaxda dowladda ka dalbaday iney gurmad ciidan, saad iyo hub la garab istaagto dadka deegaanka si loo wiiao awooda kooxda.
Waxa uu tilmaamay in ficilka dowladda laga garan doono sida madaxda dalka uga go’antahau in lasoo afjaro kooxdan.
Halkan hoose ka Akhriso qoraalka Xildhibaan AAW:
Shacabka Soomaaliyeed wuxuu indhaha ku hayaa sida ay madaxda dowladdu masuuliyad isaga saaraan gurmadka iyo garab istaagga dagaalka ay kooxda argagexisada AS ku qaadeen degaannada beesha Xawaadle.
Waa dagaal jiritaan, argagexisadu waxay doonayaan in ay jebiyaan adkaysiga iyo ruuxda dagaal ee beesha, iyagoo kaga aargudanaya in horay uu jebiyeen haybadda iyo burjiga dagaal ee argagexisada. Dowladdu waa in ay gurmad ciidan, oo degdeg ah, saad iyo saanad la garab istaagtaa dagaalka.
Waxaan boggaadinayaa isku tashiga degaanka, waxaana ku dhiirragelinayaa in ay abaabulka laban-laabaan, akoonno taakulo furtaan, si ay shacabka Soomaaliyeed uga qaybqaataan.
Waxaan ugu baaqayaa degaananda iyo beelaha deriska la ah in ay walaalahood u gurmadaan, difaaca dalka iyo degaanka waajib ayaa idinka saaran, ha suginana inta cadawgu guryihiina idinku imaanayo.
Allaha u naxariisto shuhadadii ku nafwaayey dagaalka ka dhacay Mubaax iyo degaannada ku dhow, Allahana caafimaad degdeg ah ha siiyo inta dhaawaca ah.