Iran oo weerar gantaal ah ku qaaday magaalada Beersheba ee Israel

Jun 20 (Jowhar)-Gantaal ay Iran ku weerartay Koofurta Israel ayaa ku dhacay magaalada Beersheba ee koonfurta Israa’iil, iyadoo ay dad badan ku dhaawacmeen halka burbur xoog leh ay soo gaareen dhismayaal ku yaal halkaas.

Iran ayaa sheegtay goobta ay weerartay ay ahayd dhisme tiknoolajiyada ay Israel u isticmaalaysay.

Weerarkan ayaa manaya iyadoo lagu wado in maanta Wasiirka Arrimaha Dibbada Iran Abbas Arakchi uu kulan kula yeelanayo magaalada Geneva Wasiirada Arrimaha Dibbada Ingiriiska,Germany,France Iyo Midowga Yurub.

Waa wadahadal fool ka fool ah oo Iran ay la yeelato reer galbeedka markii ugu horeysay tan iyo markii uu dagaalka bilowday todobaadkii hore

Wadahadallada Geneva, haddii ay u socdaan sidii loo qorsheeyay, waxay calaamad u noqon doontaa ku lug lahaanshaha ugu weyn Yurub ee dagaalk Iran iyo Israel.

Wasiirka arrimaha dibadda Iran Cabbaas Arakchi ayaa kahor inta uusan u safrin Geneva waxa uu sheegay in dalkiisu aanu wax wada xaajood ah la geli doonin Maraykanka ilaa la joojiyo duqaymaha Israel, sida ay ku warrantay warbaahinta dawladda.

Kulanka Geneva ayaa imaanaya iyadoo ay sii kordhayaan walaaca laga qabo in Mareykanka uu muddo laba todobaad kadib soo galo dagaalka oo uu la safto Israel.

Aqalka cad ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in Donald Trump uu muddo laba todobaad gudahood go’aan ka gaari doona in Mareykanka uu si toos ah ugu lug yeesho dagaalka u dhaxeeya Iran iyo Israel.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More