Dowlada Soomaaliya oo sheegtay in howlgalo ay ka fulisay Aadan Yabaal

Jun 20 (Jowhar)-Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay inay howlgal gaar ah oo ay ka fuliyeen degmada Aadan Yabaal Hay’adda sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) iyo Saaxiibada Caalamka ay ku dileen illaa 12 xubnood oo ka tirsan kooxda Alshabaab.

War Saxaafadeed ka soo baxay Wasaarada Warfaafinta dowlada federalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay i howlgalkan uu ka dhacay guri ku yaal degmada Aadan Yabaal.

“Howlgalkaan ayaa lagu beegsaday guri ku yaalla degmada Aadan Yabaal, oo Khawaarijtu u aheyd xarun istaraatiiji ah oo lagu uruuriyo saanadda ciidanka, sidoo kalena laga abaabulo maleeshiyaadkooda ,Intii uu socday howlgalkaas, waxaa sidoo kale la burburiyay gaadiid dagaal, hub farabadan iyo saanado kale oo muhiim u ahaa cadowga, iyadoo howlgalkaan uu u dhacay sidii loo qorsheeyay.”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay dowlada federalka.

Halkan hoose ka aqriso War Saxaafadeedkan;

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More