Trump oo sheegay in xabad joojin u dhexeys Iran Iyo Israel ay dhaqangashay
Jun 24 (Jowhar)-Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in xabbad joojin ay ku heshiiyeen Israa’iil iyo Iran ay dhaqan gashay, wuxuuna ugu baaqay labada dhinac inaysan ku xadgudbin.
Ku dhawaaqista ayaa timid ka dib markii Iran ay dhowr gantaal ku garaacday Israa’iil, oo ay ugu yaraan afar qof ku dileen magaalada koonfureed ee Beersheba.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran Abbas Araghchi ayaa sheegay in uusan jirin heshiis xabbad joojin ah oo lala galo Israa’iil, laakiin Tehran ayaa joojin doonta weerarrada haddii Israa’iil ay joojiso “gardarrada sharci-darrada ah” 4-ta subaxnimo waqtiga maxalliga ah (00:30 GMT).
Xafiiska ra’iisul wasaaraha Israa’iil ayaa bayaan ka soo saaray heshiiska xabbad joojinta ee Trump, isagoo sheegay in Netanyahu uu aqbalay, isla markaana uu war ka soo saari doono gelinka dambe ee maanta.
Iran ayaa sidoo kale gantaallo ku dhufatay saldhigga milatari ee Qatar oo ay degan yihiin ciidamada Mareykanka fiidnimadii Isniinta, taasoo aargoosi u ah weerarrada Mareykanka uu ku qaaday xarumihiisa Nukliyeerka maalin ka hor.
Waxa ay Iran sheegtay in in ka badan 400 oo qof oo ay ku jiraan 13 carruur ah ay dhinteen, ugu yaraan 3,056 kalena ay ku dhaawacmeen tan iyo markii Israa’iil ay billowday weerarkeeda 13-kii June.