Diyaarad ciidan oo kusoo dhacday garoonka Aden Cadde ee magaalada Muqdisho

Jul 02 (Jowhar) Diyaarad Eelakabtar ah ayaa goordhow kusoo dhacday garoonka diyaaradaha Aden Cadde ee magaalada Muqdisho, waxeyna sameysay jug xooggan oo laga maqlay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.

Saraakiil ka tirsan laamaha amniga ayaa innoo sheegay in diyaarada oo ay leeyihiin ciidamadda Uganda ay gabi ahaanteedba burburtay, iyadoo sameysay qarax xooggan.

Qiic iyo Uuro isqabsaday hawada ahaa meelo badan oo caasimadda ah laga arkay, taasoo cabsi galisay dadweynaha.

Macluumaadka ayaa intaasi kusii daraya ineysan jirin khasaare nafeed oo dadkii saarnaa ay ka dagtee , maadaama mudo badan diyaarada ay qiiqeysay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More