Guddoomiye Cabdi Xaashi “Soomaalidu miyey shinnida ka caqli yar tahay”

Jul 01 (Jowhar)-Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdulaahi  oo qudbad ka jeediyay munaasabad lagu xusayay sanadguurada 65aad ee xornimada dalka Soomaaliya ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo aan waxba isu quurin oo ka liitaan Shinnida.

Cabdi Xaashi Cabdulaahi Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa waxa uu hadalkiisa ku xusay inuu sanadkii 1989kii uu qoray qoraal uu wadcigii xiligaa la joogay uu ku cabirayay.

Waxa uu Guddoomiye Xaashi uu tusaale u soo qaatay Shinnida oo uu ku tilmaamay inay tahay mid wax isu quurto gaar ahaan xilliyada boqorada shinnida ay ogaato in boqorad kale ay soo baxday ayna booska u baneyso.

“Bani’aadanka ilaahay waxa uu siiyay maskax ay ku kala gartaan waxa xun iyo wixii wanaagsan, marka inaan is barbardhigo soomaalidu miyay ka caqli yar tahay shinnida.”ayuu yiri Guddoomiye Xaashi.

Balse guddoomiyaha ayaa hadalkiisa oo ay ka muuqatay inuu sarbeeb yahay uuna ula jeedo in siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee haatan jira aysan waxba isu quurin oo uu kan kale diidayo, mid walbana uu doonayo inuu noqdo Madaxweyne ayna la mid yihiin jabhadihii afgambiyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.

“Jabhadihii dalka  ka jirey 1989kii wax isuma quureynin qorshe malahayn jabhadihii, haddii dowlada ay bedelayaan waxay ahayd qorshe inay samestaan inay dastuur sameystaan ilaa maanta aynu joogno waxaad moodaa inaysan waxba isu ogeleyn Soomaalida qof walibana uu doonayo inuu madaxweyne noqdo”ayuu yiri Cabdi Xaashi Cabdulaahi guddoomiyaha Aqalka Sare.

Hase yeeshee Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa rajo ka muujiyay shirka la rajeynayo inay isugu yimaadaan Madaxweyne Xasan Sheekh iyo siyaasiyiinta mucaaradka dhowaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More