Warar kasoo kordhay diyaaradda ku burburtay garoonka Muqdisho

Jul 02 (Jowhar) Diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo ay leeyihiin milatariga dalka Uganda ayaa ku burburtay garoonka diyaaraddaha ee Aden Cabdulle ee magaalada Muqdisho sida uu xaqiijiyay maareeyaha hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin.

Diyaaradda oo ka soo kacday garoonka Balidoogle ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ku burburtay qaybta garoonka ciidamada cirka ee garoonka, waxana saarnaa siddeed qof oo ay ku jiraan duuliyeyaashii diyaaradda, waxana socda gurmad la doonayo in lagu bakhtiiyo diyaaradda oo uu dab xoog leh qabsaday, lamana oga masiirka dadkii saarnaa diyaaradda.

Waxaa duullimaadkeedii dib u dhigtay shirkadda Turkish Airline sababo la xiriirra shilka ka dhacay garoonka, waxaase garoonka ka dagtay diyaaradda Daalo iyo kuwa yaryar ee gobollada dalka ka shaqeeya.

Illaa hadda lama oga sababta dhalisay shilka diyaaradda, waxaase socda baaris la xiriirta arintaas sida uu sheegay maareeyaha hay’adda duulista raiydka Axmed Macallin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More