Ruushka oo aqoonsaday Maamulka Daalibaan ee dalka Afganistan

Jul 04 (Jowhar)-Ruushka ayaa noqday waddankii ugu horreeyay ee aqoonsada xukuumadda Taliban ee Afgaanistaan ​​tan iyo markii ay xukunka la wareegeen 2021,kadib markii Ruushka aqbaleen safiir ka socda xukuumada Afganistan.
Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Ruushka Andrey Rudenko ayaa ka guddoomay warqadaha aqoonsiga danjiranimo safiirka cusub ee dowlada Afganistan Gul Hassan Hassan.

“Waxaan aaminsanahay in ficilka aqoonsiga rasmiga ah ee dowladda Imaarada Islaamiga ah ee Afgaanistaan ​​ay siin doonto dhiirigelin horumarinta iskaashiga laba geesoodka ah ee wax soo saarka leh ee u dhexeeya dalalkeena dhinacyo kala duwan,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Taliban ayaa go’aanka ku tilmaantay mid wanaagsan oo muhiim ah.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Afgaanistaan ​​Amir Khan Muttaqi ayaa ku tilmaamay aqoonsiga dowlada Ruushka Go’aan geesinima tusaalana u noqon doono dalalka kale ee caalamka.

Kooxda Daalibaan ayaa la wareegtay awooda Afgaanistaan ​​bishii Agoosto 2021, markii ciidamada Mareykanka ee taageerayay dowladda caalamku aqoonsan yahay ay isaga baxeen.

Moscow, oo ku tilmaantay ka bixitaanka Mareykanka mid guuldarreystay, ayaa qaaday tillaabooyin ay ku caadiyeyso xiriirka ay la leedahay mas’uuliyiinta Taliban.

Kooxdan ayaa la aas aasay sanadkii 1994-tii xiligaasi oo uu socday dagaaladii sokeeye ee dalka Afgaanistaan, waxaana inta badan iska kaashaday mujaahidiin uu Mareykanka taageero oo horey ula dagaalamay midowgii Sofiyeeti sanadihii sideetamaadkii.

Dawladda Afgaanistaan ​​si rasmi ah uma aqoonsana hay’adaha caalamiga ah, Qaramada Midoobayna waxay maamulka ku tilmaamtaa Mas’uuliyiinta Taliban.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More