Cumar Fiqi oo shaaciyey inuu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya

Jul 10 (Jowhar) waxaa galabta magaalada Muqdisho ka dhacay Munaasabad balaaran oo uu musharaxnimadiisa ku shaacinayay Mudane Cumar Cabdiqaadir Axmed Fiqi oo isu soo taagay xilka madaxtinimo ee Soomaaliya.

Siyaasiyiin, Odayaal dhaqan, aqoon yahano, Haween, dhalinyaro iyo qeybo kale oo kamid ah labeenta Soomaaliyeed ayaa buux dhaafiyay hoolkii ay ka dhaceysay xafladda.

Dadkii kasoo qeyb galay xafladda ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin Cumar Cabdiqaadir Axmed Fiqi inuu iskusoo sharraxay xilka madaxweynaha, waxayna sheegeen inuu yahay shakhsi wax ka qaban kara xaaladda uu dalku maanta ku sugan yahay

Nabadoon Muxiyadiin Afrax ayaa soo dhaweeyay go’aanka geesinimada leh ee uu qaatay musharrax Cumar ee ah inuu isu soo taago xilka, wuxuuna ku sifeeyay shaqsi dalka xiligan adag ka saari kara.

“Cumar waa Murrashaxa kaliya ee umadda Soomaaliyeed isku wadi karo” ayuu madasha ka yiri Nabadoon Muxiyadiin Afrax.

Musharrax Cumar Cabdiqaadir Axmed Fiqi ayaa sheegay inuu isugu soo sharraxay xilkan si uu uga qeyb qaato samatixinta dalka, si dadka Soomaaliyeed looga saaro dhibaatada ay ku jiraan.

Waxa uu dhinaca kale dhaliilay habka ay dowladda haatan dadka sida qasabka ah ugu amreyso iney kaararka codeynta qaataan, iyadoo aan heshiis lagu wada eheyn nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa.

“Dowladda waxay wadaa doorasho dadku qasab lagu diiwaan gelinaayo oo 3-mar qofku is diiwaangeliyo, waana nasiib darro” Murraahax Madaxweyne Cumar.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More