Dowladda Soomaaliya oo amartay in Xildhibaan Xasan Firinbi uusan ka dhoofi karin garoonka Aden Cadde
Nov 30 ( Jowhar) Dowladda Soomaaliya ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde dhigtay amar saraakiisha garoonka loogu sheegayo inuusan ka dhoofi karin Xildhibaan Xasan Firinbi oo ah mudane ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.
Macluumaadka la helayo ayaa intaasu kusii daraya in xildhibaanka xanibaadiisa ay salka ku heyso gacan qaadkii todobaadkii hore ka dhex dhacay xarunta baarlamaanka, iyadoo muuqaalo lasoo bandhigay ay muujinayeen xildhibaanka oo askari boolis ah u gacan qaadayo.
Madaxweynihii Todobaad ee dalka Shariif Sheekh Axmed oo isaguna xildhibaan ah ayaa galabta shir jaraa’id uu u qabtay wariyayaasha ku sheegay in xildhibaan Xasan Firinbi iyo mudanayaal kale warqad laga dhigay garoonka oo lagu sheegayo ineysan ka dhoofi karin.
Xogaha qaar ayaa intaasi kusii daraya in dowladda diiday in xildhibaan uu ka dago Kismaayo, xili ay socoto qaban qaabadaa caleema saarka Axmed Madoobe oo dhawaan dib loosoo doortay.
Khilaafka dowladda dhexe iyo Jubaland oo heerkii u sareeya gaaray ayaa warar la helayo sheegayaan in xalinteeda la isula aaday magaalada Caruusha oo uu ku sugan yahay madaxweyne Xasan oo ay balan san yihiin madaxweynaha dalka Kenya oo isaguna shirka EAC u jooga dalkaasi Tanzania.