Madaxweyne Ruto oo sheegay inuu isu keenayo Xasan Sheekh iyo Abiye si loo xaliyo xiisadda Badda
Nov 30 ( Jowhar) Madaxweynaha Kenya, William Ruto oo maanta la wareegay shir -guddoonka ururka bulshada Bariga Afrika ayaa khudbadiisa ku soo daray in hoggaamiyayaasha Soomaaliya, Itoobiya, Kenya iyo Uganda ay yeelan doonaan kulan xal loogu raadinayo xiisadda gobolka.
Ruto ma uusan cayimin xilliga uu dhacayo kulanka la qorsheeyay.
Haddii la xaqiijiyo, waxa uu noqonayaa shirkii ugu horreeyey ee toos ah oo dhexmara madaxda Itoobiya iyo Soomaaliya tan iyo markii Addis Ababa ay Somaliland la saxiixatay heshiiskii is-afgaradka ahaa ee muranka dhaliyey, kaasoo udub-dhexeed u ah xiisadda gobolka.
Dawladda Somalia, ilaa hadda kama aysan hadlin xaqiiqada warkan, oo uu sheegay madaxweynaha Kenya oo sheegay in isaga & dhigiisa Uganda ay ka wada shaqeynayaan galkan.