Hindiya oo sheegtay in Pakistan isticmaashay gantaalo dheereeya si ay u beegsato saldhigyo ciidamada cirka ah

May 10(Jowhar)Waxaan hadda maqlaynaa hadalka korneel Sofiya Qureeshi oo ka tirsan Ciidamada Hindiya iyada oo hadalka si kooban ugu bilowday eedaynta Pakistan oo ah in ay isticmaashay gantaalo dheeraya si’ay u duqeyso saldhigyo ciidamada cirka ah.

Tani waxay imanaysaa kadib markii Pakistan ku eedaysay Hindiya in ay beegsatay sadex saldhig oo ciidamada cirka ah.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Hindiya, Vikram Misri, ayaa yidhi “Waxaan horay u sheegay marar badan in tallaabooyinka Pakistan ay ahaayeen kuwo kicin iyo kor u qaadid xiisadda ah.

“Hindiya waxay uga falcelisay tallaabooyinkaas si masuuliyad leh oo xakameysan, iyadoo is difaacaysa oo aan kicin dagaal.

“Subaxnimadii hore ee maanta, waxaan mar kale aragnay isla qaabkii kacsanaanta iyo kicinta ahaa oo ay Pakistan muujisay.”

Illaa hadda sargaal sare oo ku sugnaa magaalada Rajouri ayaa la sheegay in u dhintay duqeymaha Pakistan sida uu sheegay wasiirka saree e gobolka Omar Abdullah.

“War naxdin leh oo kasoo baxay Rajouri. Waxaan luminay sarkaal u heellan adeegga maamulka Jammu iyo Kashmir,” ayuu yiri Abdullah oo qoraal ku daabacay baraha bulshada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More