Xasan Sheekh iyo Madasha Samata-bixinta Mucaaradka oo shir uga furmay Muqdisho

Jun 25 (Jowhar)-Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madasha Samata-bixinta Mucaaradka ayaa goordhow shir uga furmay Madaxtooyada Villa Somalia.

Xubnaha mucaaradka matalaya waxaa kamid ah Shariif Sheekh Axmed, Maxamed Xuseen Rooble, Xasan Cali Khayre iyo Cumar Cabsirashiid.

Xubnaha Madasha Samata-bixinta ayaa dhowaan aqbalay codsi ka yimid Madaxweynaha oo ahaa kulan uu ka dalbaday, kaddib markii ay qaadaceen ka qeyb galka gogoshii Uu Madaxweynaha ku baaqay ee ku soo dhamaatay Hotel Decale.

Shirkan ayaa noqon doona kii u horreeyay oo ay yeeshaan Madasha Mucaaradka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh, tan iyo markii looga dhawaaqay Hotel Jazeera, waxaana madashan horay u soo saareen war Murtiyeed ay ku dalbanayeen in Madaxweynuhu ka laabto dastuurkii la bedelay in laga heshiiyo doorashada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More