Dowladda Iran oo toogasho ku fulisay saddex Basaas oo la shaqeyneysay Israa’iil

Jun 25 (Jowhar)-Wakaalada wararka ee dalka Iran ayaa sheegtay, in Iran ay daldashay saddex nin oo lagu eedeeyay inay u basaasayeen Israel.

Wakaalada Mizan ayaa sheegtay, in sidoo kale lagu helay dambi ah, in ay isku dayeen in ay dalka soo galiyaan qalab si ay “u fuliyaan dilal qorsheysan”.

Mizan ayaa magacowday Ali, Azad Shojai iyo Rasoul Ahmad Rasuul loo xiray inay isku dayayeen in ay “iskaashi wada shaqeyn ah” la galeen Israa’iil.

Iran ayaa sidoo kale xirtay 700 oo qof oo lagu eedeeyay in ay xiriir la lahaayeen Israa’iil intii lagu guda jiray dagaalka 12-ka maalmood socday, sida ay sheegtay warbaahinta gacan saarka la leh dowladda ee Nour News.

 

Warbaahinta ayaa intaas ku dartay in dadka la xiray qaarkood lagu tuhunsanaa inay la shaqeynayeen hay’ado sirdoon oo shisheeye ah, halka kuwa kalena lagu eedeeyay inay ka qeyb qaadanayeen ururrada mucaaradka ah ee ka jira gudaha dalka.

Sidoo kale, xukuumadda Tehran ayaa sheegtay in ay sii xoojin doonto la dagaalanka waxa ay ugu yeertay “shabakadaha basaasnimada” ee ku sugan gudaha Iran, gaar ahaan kuwa xiriirka la leh Israel, iyadoo digniin adag u dirtay cid kasta oo isku dayda inay falal amni daro ah ka fuliso dalka gudihiisa.

Dhanka kale, afhayeen u hadlay waaxda cadaaladda Iran ayaa sheegay in maxkamadaha dalka ay si degdeg ah u dhageysan doonaan dacwadaha la xiriira eedeymaha la xariira basaasnimada iyo falalka ka dhanka ah amniga qaranka, wuxuuna xusay in cid walba oo lagu helo dambiyadaas ay wajihi doonto ciqaab adag.

Arrimahan ayaa imaanaya iyadoo xiisad xooggan ay ka taagan tahay gobolka, kadib markii la sheegay in weerarro qarsoodi ah iyo falal basaasnimo ay kordheen sanadihii u dambeeyay, taas oo dowladda Iran ku dhiirrigelisay in ay adkeyso amniga gudaha iyo la socodka shakhsiyaadka looga shakisan yahay xiriirka dalal shisheeye.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More