Khumeyni oo fariin adag soo diray kadib xabad joojintii Iran iyo Israel
Jun 26 (Jowhar)-Ayatulahi Ali Khumeyni ayaa sheegay in ay IRAN ka guuleysatay cadowgii kusoo duulay, oo uu sheegay in ay ahaayeen Talabiib, Yurub ilaa Mareykanka.
Iran ayuu sheegay in aysan is dhiibi doonin, oo aan taariikhda lagu heynin meel looga adkaaday, wuxuu sheegay in cadowgiisa isku dayeen in ay sameeyen ficilo kasta oo IRAN lagu burburin lahaa, laakiin laga guuleystay~ waa sida uu sheegaye’e.
Ka hor hadalka Khumeyni, golaha Amniga ee IRAN ayaa go’aamiyey ansixinta in dhammaan la joojiyo wada shaqeyntii ay la lahaayeen Hay’adda Quwada Atoomikada caalamiga ah ee IAEA oo ay ku eedeeyeen dambiyo dagaal iyo marin habaabin ay sameysay.