Suudaan oo dacwo ka dhan ah Puntland u gudbisay DFS
May 10 (Jowhar) Dowladda Suudaan ayaa dacwo ka dhan ah maamulka Puntland u gudbisay dowladda Federaalka Soomaaliya taasoo ah in Puntland ay taageero istiraatiiji ah iyo mid saadka ah siineyso ciidamada RSF (Rapid Support Forces), oo ah malayshiyaad si weyn loogu eedeeyay tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo dambiyo dagaal oo ka dhacay gudaha Sudan.
Wasaarada arrimaha dibadda ee Sudan ayaa sheegtay in garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso uu noqday meel ay isticmaalaan RSf oo sahayda looga qaado kooxaha ka dagaalamaya dalka Sudan.
Suudaan waxey waxay si cad u sheegtay in taageerada Puntland u fidinayso RSF loo arko khatar weyn oo liddi ku ah amniga qaranka Sudan, islamarkaana dhaawici doonta xiriirka labada dal.
Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Ceydiid Diriir oo warbaahinta gudaha ay wax ka weydiisay eedeyntan ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay, balase dowladda Suudaan ayaa diidmadiisa marin habaabin ku sifeysay.