Mareykanka oo si cad u diiday go’aanada shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho
May 09 (Jowhar) Xafiiska Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Afrika ayaa qoraal adag uga soo jawaabay war murtiyeedkii ka soo baxay shirkii NCC, iyagoo caddeeyay in Soomaaliya u baahan go’aan loo dhan yahay, go’aamada aan loo dhammeyn ay keeni karaan dhaawac xagga sharciyada iyo caqabadna ay ku noqon karto ammaanka guud ee dalka.
Dawladda Mareykanka ayaa u sheegtay Villa Somalia in loo baahan yahay in go’aanada la xariira arrimaha Faderaalka (Maamulada) & doorashooyinka ay tahay in laga qeybgaliyo dhammaan daneeyayaasha muhiimka ah.
Tallaabadan ayaa imaaneysa, kaddib shirar joogto ah oo Safiirada reer galbeedka ee fadhigooda yahay Xalane ay la yeelanayeen Madaxweyne Xasan Sheekh looguna baaqay in la isku yimaado shir loo dhan yahay, taasoo u muuqata in Madaxweynuhu dhagaha ka fureystay, waxaana haatan soo farageliyay Xafiiska Afrika ee Wasaaradda Arrimaha dibadda Mareykanka.