Banaanbaxyo rabshado wata oo ka dhacay Kenya

Jun 25 (Jowhar)- Ugu yaraan 8 qof ayaa ku dhimatay 400 oo kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii kumanaan qof ay dibadbaxyo looga soo horjeedo Madaxweyne William Ruto ay ka dhigeen gobolo badan oo ka mid ah dalka Kenya.
Booliska Kenya ayaa u isticmaalay sunta dadka ka ilmeysiisa si ay u kala eryaan dibadbaxayaasha, iyadoo kumannaan qof ay isugu soo baxeen waddooyinka si ay ugu dabaaldegaan sannad-guuradii koowaad ee dibadbaxyada dowladda looga soo horjeedo oo ay ku dhinteen tobanaan qof.

Qaar badan oo ka mid ah dadkii mudaaharaadayay ayaa ku dhawaaqayay “Ruto waa inuu tagaa” waxayna lulayeen laamo taasoo calaamad u ahayd mucaarad nabadeed ka dhan ah xukunkiisa.

Dowladda ayaa mamnuucday in TV-ga iyo idaacadaha si toos ah looga baahiyo dibadbaxyada, balse waxaa wareegtadeeda laashay maxkamadda sare ee caasimadda Nairobi.

Ruto ayaa ku booriyay dibadbaxayaasha inaysan khatar gelin nabadda iyo xasilloonida, iyadoo dadka isku soo baxay ay isku dayeen inay gaaraan hoygiisa rasmiga ah, balse waxaa dib u soo celiyay ciidamada Booliska.

“Mudaaharaadyadu waa inaysan noqonin kuwo lagu burburiyo nabadda Kenya, ma haysanno waddan kale oo aan aadno marka ay wax dhacaan, waa mas’uuliyad na saaran inaan ilaalinno dalkeenna oo nabad ah,” ayuu yiri Ruto xilli uu ka qeybgalayay aas ka dhacay gobolka xeebta ee Kilifi.

Boolilska ayaa waxa ay xireen wadooyinka soo gala aqalka madaxtooyada iyo kan baarlamaanka.
Maamulku weli ma sheegin khasaaraha ka dhashay mudaaharaadyadsa balse Ururka Dhakhaatiirta Kenya, Ururka Sharciga ee Kenya iyo Kooxda Hawlgelinta Dib-u-habaynta Booliska ayaa bayaan ay si wadajir ah u soo saareen ku sheegay in ugu yaraan siddeed dibad-baxayaal ah la dilay.

Hase yeeshee, Hay’ad u dooda xuquuqda aadanaha Amnesty Kenya ayaa tirada dhimashada ku sheegtay 16 qof.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More