Dowladda Soomaaliya oo dib u fasaxday duulimaadyadii aadi jiray Doolow

May 11(Jowhar)Dawladda Soomaaliya ayaa fasaxday diyaaradaha duulimaadyada ee tagaya magaalada Doolow ee gobalka Gedo, cunaqabateyn ay mudo dheer bulshada kuheysay ka dib, waxaana warqada fasaxay qoray Wasiirka Amniga gudaha ee DFS.

Qoraalka Wasiir Fartaag oo lagu socod siiyay maamulka degnada Doolow, kan Gobolka Gedo iyo laamaha amniga ayaa lagu sheegay in dib loo fasaxay duulinaadyadii aadi jiray Doolow.

Wada hadalo ka dhacay magaalada Addis Ababa ayaa lagu gaaray Is afgaradkan, iyadoo masuuliyiinta Doolow ay diideen in ay aqbalaan wax kasoo horjeeda Jubbalnd.

Shacabka gobolka Gedo ayaa dhibaatooyin badan ku qabay xanibaada dowladda ay saartay bulshada gobolka, iyagoo ka aargoosanaya maamulka Jubaland.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More