Diblomaasi Iswiidhish ah oo meydkiisa laga helay laguna eedeyey basaasnimo

May 17 (Jowhar)-Diblumaasi u dhashay dalka Sweden oo dabayaaqadii todobaadkii hore lagu xiray magaalada Stockholm laguna soo eedeeyay basaasnimo,kadibna la sii daayay ayaa meydkiisa la helay sida ay sheegtay warbaahinta dalkaasi,iyadoo wasaaradda arrimaha dibadda ay xaqiijisay geerida mid ka mid ah shaqaalaheeda.

Shalay oo isniin ahayd ayay hay’adda nabadsugidda dalkan Iswiidhan (Sapo) ku dhawaaqday xarigga dublamaasiga balse ma aysan shaacinin wax tafaasiil ah oo la xiriira kiiska iyo aqoonsiga shaqsiga.

Maalintii xigtay, idaacada SVT ayaa sheegtay in shaqsiga la hadal hayo uu yahay diblomaasi sare.

Arbacadii, dacwad oogayaasha ayaa xabsiga ka sii daayay, inkastoo ay sheegeen inuu weli tuhman yahay.

Dhanka kale, wargeyska Expressen ayaa sheegay in ninka la helay meydkiisa habeen hore uu ahaa isla shaqsiga loo xiray tuhun basaasnimo.

Anton Strand, oo ah qareenka u doodaya eedaysanaha, ayaa usbuucan sheegay in macmiilkiisu uu diiday eedaymaha loo soo jeediyay oo uu ku adkaystay “inuusan wax khalad ah samayn.”

Mr. Strand ayaa sidoo kale tilmaamay in macmiilkiisa loo qaaday isbitaal kadib markii la sii daayay Arbacadii, waxaana la sheegay in bilaysku ay isticmaaleen awood xad dhaaf ah intii la xirayay, inkastoo uusan faahfaahin ka bixin dhaawacyada soo gaaray.

Intaa waxaa dheer, SVT ayaa sheegtay in Sapo uu baarayo xiriirka suurtagalka ah ee ka dhexeeya kiiskan iyo fadeexad la xiriirta lataliyaha amniga qaranka Sweden Tobias Thyberg.

Mr. Thyberg ayaa xilka iska casilay saacado gudahood markii la magacaabay 8-dii May kadib sawirro “xasaasi ah” oo laga soo qaaday app shukaansi, Grindr, oo si qarsoodi ah loogu diray warbaahinta iyo dowladda.

SVT, oo aan daaha ka qaadin ilo wareedkooda, ayaa caddeeyey in dublamaasiga la xidhay aanu ahayn Mr. Thyberg, oo muddo 24 sano ah soo ahaa safiirka Sweden ee Ukraine iyo Afgaanistaan ​​iyo door kale.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More