Dhalinyaro askar qoraneysay oo qarax culus lagula eegtay magaalada Muqdisho
May 18 (Jowhar)Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay qarax noociisa Ismiidaamin lagu sheegay oo saaka lala eegtay dhalinyaro ku biireysay ciidanka Xoogga dalka.
Goob joogayaal ayaa ku warramaya in ruux isku soo xiray walxaha qarxa uu beegsaday dhalinyaradan oo ku sugneyd xero Damaanyo oo ku taala magaalada Muqdisho.
Dad goob joogayaal ahaa oo weerarka kasoo badbaaday ayaa warbaahinta gudaha u sheegay iney arkeen dhaawacyo ka badan 10 uruu, waxeyna sheegeen ineysan heyn tirada saxda ah ee dadka dhintay.
Isbitaalka Horyaal ayaa la sheegay in la geeyay ilaa 7 ruux oo kamid ah dadka saaka kusoo dhaawacmay qaraxa, waxaana jira dad isbitaalo kale la geeyay.
Majirto wax war ah oo laamaha amaanka ee dowladda ay kasoo saareen weerarkan oo wy sheegatay kooxda Al-shabaab.
Dhowr jeer oo hore ayaa sidan qarax Ismiidaamin ah xerooyin Muqdisho ah loogula eegtay dhalinyaro askar qoraneysay, mana muuqata wax cashir ah oo laamaha amaanka ee dowladda ay arrintan ka barteen.