Qaramada Midoobe oo caalamka ugu baaqday inaan la cidleynin Soomaaliya
May 22 (Jowhar) Sida lagu daabacay Mareegta Qarmaada Midoobay, Soomaaliya ayaa wajahaysa caqabado aan caadi ahayn oo la xiriira dagaalka ka dhanka ah kooxaha hubaysan ee Al-Shabaab iyo Daacish, sida uu sheegay xeel dheere ka tirsan Qaramada Midoobay, kaas oo garab-istaag u muujiyay dadka iyo Dowladda Soomaaliya oo wajahaya khataro argagixiso oo joogto ah.
“Waxaan garowsanahay dadaallada ballaaran ee ay wadaan hay’adaha Soomaaliyeed si ay uga hortagaan argagixisada, iyagoo adeegsanaya istiraatiijiyad isku dhafan oo ay ku jiraan fulinta sharciga, hawlgallo ciidan, ka hortagga xagjirnimada rabshadaha wata, iyo wax ka-qabashada sababaha keena in dhalinyaradu ku biiraan kooxaha argagixisada ah,” ayuu yiri Ben Saul, Qalin-hayaha Gaarka ah ee qaabilsan dhiirrigelinta iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo xorriyadaha aasaasiga ah, xilliyada lala dagaallamayo argagixisada.
Ben Saul ayaana hadalkiisa ku daray inaan muhiim tahay in Caalamku uusan cidlayn Soomaaliya, waqtigan ay wajahayso khataraha bini’aadannimo iyo amni.
Hadalka sarkaalkan sare ee QM ka tirsan ayaa ku soo aadaya xilli walaac laga qabo sii socoshada kaalmada caalamka ee la siiyo Soomaaliya.