Uganda oo sheegtay in 7 askari looga dilay dagaal ka dhacay Sh.hoose

Jun 23 (Jowhar)-Dowladda Uganda ayaa sheegtay in 7 askari looga dilay dagaal mudo 3 maalin ah socday oo kooxda Shabaab looga saarayay Deegaanka Sabiib iyo Caanoole ee gobolka Sh.hoose, sida uu xaqiijiyay  Afhayeen u hadlay Ciidanka Difaaca dalkaasi.

Askartaan ayaa ka tirsanaa Howlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) oo loo xilsaaray la dagaallanka Al-Shabaab.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda ayaa lagu sheegay in askarta lagu dilay saddex maalmood oo weerarro socday oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose, balse ugu dambeyntii deegaankii ay Al-Shabaab qabsatay dib ayaa looga xoreeyay.

“Waxaa nasiib darro ah in aan ku luminay toddobo askari intii uu socday dagaalkii,” ayuu yiri Afhayeenka Ciidanka Difaaca Uganda, Felix Kulayigye, oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP.

AUSSOM, oo lagu beddelay howlgalka hore ee ATMIS, hadda waxaa ka shaqeeya 11,146 askari, inkastoo bishii Abriil ay sheegeen inay u baahanyihiin 8,000 oo askari oo dheeraad ah si ay u gutaan waajibaadkooda.

Weerarro dhowaan lagu qaaday magaalooyin muhiim ah ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo in Al-Shabaab ay dib u soo xoogeysaneyso, iyadoo bishii Maarso ay weerar ku qaadeen kolonyo uu la socday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud nawaaxiga madaxtooyada Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More