Axmed Madoobe oo ku wajahan Garowe iyo wafdi hordhac u ah oo gaaray
Jun 21 (Jowhar)-Wafdi hordhac ah oo ka socda Jubaland ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee caasimadda maamulka Puntland, halkaasoo lagu soo dhaweeyay.
Xildhibaan Axmed Dakhare iyo Xildhibaan Cabdirashiid Jire oo hore isaga soo casilay xilalkii ay Xukuumadda ka hayeen ayaa hogaaminaya.
Wafdigan waxey u gogol xaarayaan safarka Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam oo beri la filayo inuu Garoowe tago.
Safarka Axmed Madoobe ayaa noqonaya kiisii ugu horeeyay oo uu Puntland ku tago tan iyo 2022, kaddib doorashadii Soomaaliya.
Khilaaf ka dhashay doorashadii Federaalka ayaa kala kaxeeyay hoggaamiyayaasha Puntland iyo Jubaland.
Kulamo ka dhacay dhawaan Nairobi oo dhexmaray Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa meesha looga saaray khilaafkii labada dhinac.
Socdaalka Axmed Madoobe ee Garoowe ayaa ku salaysan sidii loo ambaqaadi lahaa mucaaradid ka dhan ah xukunka Madaxweyne Xasan Sheekh oo labada hoggaamiye ee Puntland iyo Jubaland si wayn uga soo horjeedaan.
Siciid Deni ayaa isna qorshaynaya inuu safar ku tago Kismaayo si uu uga qaybgalo caleeemasaarka Axmed Madoobe oo dhawaan halkaas ka qabsoomaya.