Dowladda Soomaaliya oo burburisay keydii hubka Shabaab ee Aadan Yabaal
Jun 22 (Jowhar)-Warar dheeraad ah ayaa laga heoayaa howlgallo culus oo xalay ka dhacay xaafadda Howlwadaag ee degmada Aadan Yabaal, gobolka Shabeellaha Dhexe, kaasoo lagu beegsaday kooxda Shabaab.
Sida wararku tilmaamayaan, howpgalkan ayaa lagu burburiyay labo xarumood oo kooxda Shabaab ay u adeegsan jireen diyaarinta gaadiidka dagaalka iyo kaydka hubka.
Mid ka mid ah xarumaha la beegsaday ayaa lagu soo waramayaa inay ku jireen gaadiid lagu diyaariyay waxyaabaha qarxa, waxaana la arkayay xaruntaasi oo si daran u gubanaysa markii lagu burburiyay howlgal bartilmaameed ah, sida ay tabisay wqrbaahinta dowladda.
Majiro wali wax war ah oo kooxda Shabaab ay kasoo saartay howlgalkan, xili dowladda ay isku dayeyso iney dib gacanteeda ugu soo celiso deegaanadii Shabaab ay qabsadeen oo ay Aadan Yabaal kamid tahay.