Maraykanka oo duqeeyay Xarumaha Niyukliyerka ee Iran
Jun 22 (Jowhar)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay si duqeeyeen xarumaha Nukliyeerka Iran ee Fordow, Natanz, iyo Isfahan, wuxuuna sheegay in dhammaan diyaaradaha Mareykanka ay hadda ka baxeen hawada Iran.
Donald Trump oo dhawaan muddo labo toddobaad ah u qabtay dowlada Iran inay ogolaato in ay baabi’iso xarumaheeda Niyukliyerka ayaa markii uu ku dhawaaqay duqeynta ay diyaaradihiisa geysteen waxa uu yiri;
“Qof walba wuxuu maqlay magacyadaas sannado badan markii ay dhisayeen ganacsigan xun ee burburka leh,” ayuu yiri Trump.
“Caawa waxaan u sheegi karaa aduunka in weeraradu ay ahaayeen guulo ciidan oo cajiib ah.”ayuu sii raaciyay
Qoraal uu soo dhigay Truth Social, oo la soo geliyay ciwaankiisa Aqalka Cad kadib, ayuu Trump ku qoray:
“Aargoosi kasta oo ay Iraan ka geysato dowladda Mareykanka, waxa ay la kulmi doontaa cudud ka weeyn tii caawa la arkay.”
IRNA, oo ah wakaaladda wararka rasmiga ah ee Iran, ayaa sheegtay in dadka deegaanka aysan dareemin wax calaamado ah qarax weyn kadib weerarkii Maraykanka ee Fordow.
“Xaaladaha aagga gabi ahaanba waxay ahaayeen kuwo caadi ah,” ayay tiri hay’addu. “Faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan dhacdada waxaa soo sheegi doona khubaro rasmi ah.”ayay sii raacisay wakaalada wararka Iran ee IRNA,
Trump ayaa weerarradaas ku tilmaamay guul cajiib ah, balse ma jirto si madax bannaan oo xaqiijinaysa saameyntooda.
Saraakiisha Iran ayaa sidoo kale soo jeediyay in uranium-ka lagu hodmay ee xarunta dhulka hoostiisa mar hore laga raray goobta.
Ma cadda sida weeraradu u saameyn karaan barnaamijka Nukliyeerka ee Iran.
Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale soo saartay jawaabteeda ku aaddan weerarada.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa sheegay in ay hadda jirto khatar sii kordheysa oo ah in iskahorimaadkan uu si degdeg ah uga baxo awooda, oo cawaaqib xun ku yeelan kara rayidka, gobolka, iyo adduunka.
Waxa uu ku daray qoraalka X: “Saacaddan khatarta ah, waxaa muhiim ah in laga fogaado fowdo isdaba-joog ah, ma jiro xal ciidan, dariiqa kaliya ee loo maro waa diblomaasiyadda, rajada kaliya waa nabadda.”