Walaac ka dhashay ilaa 50 Afrikaan ah oo dil ugu xukuman Sucuudi Carabiya
Jun 28 (Jowhar)-Tobaneeyo qof ah oo ka soo jeeda Geeska Afrika kuna xukuman dil gudaha Sacuudi Carabiya ayaa loo sheegay in dilkooda la fulin karo “maalin kasta”, sida ay sheegeen qaar ka mid ah maxaabiista iyo qoysaskooda, sidaas waxaa qoray Middle East Eye.
Ragga la xukumay dhammaantood waxay kasoo jeedaan Itoobiya iyo Soomaaliya, waxaana lagu helay dambiyo la xiriira ka ganacsiga daroogada, dambigan oo ciqaabtiisu tahay dil gudaha Sacuudiga.
Waxay ku xiran yihiin xabsiga Najran ee ku yaalla xuduudka u dhow dalka Yemen, halkaas oo maxaabiistu sheegeen in dhowr toddobaad kahor lagu wargeliyay in xukunka dilka, oo inta badan ah madaxa goynta, si dhakhso ah loo fulin doono.
“Waxay nagu yiraahdeen in aan macsalaameyno dadkeenna,” ayuu yiri mid ka mid ah ragga la xukumay, oo aan dooneyn in magaciisa la shaaciyo, sida uu u sheegay MEE.
“Waxaa naloo sheegay in dilalku ay bilaaban doonaan kaddib Ciidul-Adxaa, imminkana way bilaabmeen.”
Liis ay heshay MEE oo magacyada dadka la xukumay ka kooban ayaa muujinaya in ay jiraan 43 Itoobiyaan ah iyo 13 Soomaali ah.
Sida ay sheegeen maxaabiista, ugu yaraan lix qof ayaa la dilay bishii u dambeysay.