Madaxweynaha Somaliland oo safar ugu ambabaxay dalka Qatar
Jun 28 (Jowhar) -Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro ayaa goordhaweyd u amba-baxay dalka Qadar oo uu ka heley martiqaadkii u horreeyey ee ay u sameeyaan Somaliland; iyada oo Dooxa ay sannadihii u danbeeyey xidhiidh dhow la lahayd xukuumadda DFS.
Cirro oo safarkan ay ku wehlinayaan qaar kamid ah golihiisa wasiirada ayaa la filayaa inuu la kulmo qaar kamid ah madaxda dalka Qatar oo uu kala hadli doono sidii uu taageero uga heli lahaa.
Waa socdaalkii shanaaad ee madaxweyne Cirro geleyo, isaga oo hore martiqaadyo uga heley; Imaaraadka Carabta, Kenya & Jabuuti.
Lama oga sida uu Madaxweynaha Somaliland doonayo inuu isugu wado dalalka Qatar iyo Imaaraatka Carabta oo ay ka dhexeyso xifaaltan gobolka ah.