AUSSOM oo ka hadashay diyaarad ku burburtay Muqdisho
Jul 02 (Jowhar)-War saxaafadeed ka soo baxay howlgalka Midowga Afrika ee taageerada iyo xasilinta Soomaaliya ee loo yaqaano AUSSOM ayaa waxaa hadda si rasmi ah loo xaqiijiyay in 3 qof ay ka badbaadeen diyaaradda oo nuuceedu ahaa helicopter-ka oo subaxnimadii maanta ku dhacday gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho, sida laguna sheegay war saxaafadeed laga soo saaray xafiiska AUSSOM.
“Arbacadii abbaare 7:30 subaxnimo, diyaarad nooca qumaatiga u kacda oo leeyihiin Militariga Uganda ee ka mida howlgalka Midowga Afrika ayaa si halhaleel ah degtay wax yar ka hor inta aysan soo gaarin garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho, xilli ay ka soo duushay garoonka diyaaradaha ee Ballidoogle.”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka AUSSOM.
Saddex qof oo ka mid ahaa siddeed rakaab ah oo saarnaa diyaaradda ayaa si degdeg ah loo badbaadiyey, waxaana loo qaaday Isbitaalka Heerka Labaad ee AUSSOM ee Muqdisho si loogu fidiyo daryeel caafimaad.
Maareeyaha hay’adda duulista rayidka ayaa sheegay inay socdaan baaritaano la xiriira sababta shilka keentay, sidoo kalena haatan ay si caadi ah u socdaan hawlaha garoonka.