Trump;”Israa’il waxa ay oggolaatay heshiis xabad joojin ah”
Jul 02 (Jowhar) -Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Israa’iil ay ogolaatay shuruudaha lagama maarmaanka ah si loo dhammeeyo xabbad-joojin 60 maalmood ah oo ka dhacda marinka Gaza.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ee runta, Trump wuxuu ku sheegay in wakiilladiisu ay kulan dheer oo wax ku ool ah la yeesheen mas’uuliyiinta Israa’iil.
“Israa’iil waxay ogolaatay shuruudaha lagama maarmaanka ah si loo dhammeeyo 60-ka Maalmood ee Xabbad-joojinta, muddadaas oo aan la shaqeyn doono dhammaan dhinacyada si loo soo afjaro dagaalka,” ayuu yiri Trump.
Trump ayaa u sheegay warfidiyeenka in uu rajaynayo in xabbad joojinta Marinka Gaza bilaabato toddobaadka soo socda.
Waxa uu sheegay in Gaza iyo Iran uu kala hadli doono Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu todobaadka soo socda magaalada Washington, DC.
Kooxda Xamaas ayaa sheegtay in ay dib u eegis ku samaynayso soo jeedinta xabad joojinta ee ka timid dhexdhexaadiyayaasha iyo in ay raadinayso heshiis horseedi doona in la soo afjaro dagaalka ayna ka baxaan ciidamada Israa’iil Qaza .
Sarkaal ka tirsan Xamaas Taher al-Nunu ayaa sheegay in kooxdu ay diyaar u tahay oo ay dhab ka tahay in heshiis la gaaro ayna aqbali doonaan wax kasta oo si cad u horseeda in gebi ahaanba dagaalka la joojiyo.