Browsing Category
NEWS
NEWS
Dhul-Gariir Xoog Leh Oo markale ka dhacay dalalka Turkiga iyo Siiriya
Feb. 21(Jowhar.com)-Saddex qof ayaa ku dhintay ka dib markii dhulgariir cabirkiisu yahay 6.4 uu ku dhuftay koonfurta dalka Turkiga , toddobaadyo ka dib markii uu dhul gariir khasaare geystay uu ku dhuftay gobolka.
Xarunta Wasaarada Xannaanada Xoolaha,Dhirta iyo Daaqa oo Xarriga laga jaray
Feb. 20 (Jowhar.com)-Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa xarigga ka jaray Xarunta Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa waxana uu ka dalbay madaxda Wasaarada inay soo gudbiyaan…
Madaxweyne Joe Biden oo Booqasho Kedis ah ku tegey Ukraine
Feb. 20 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa booqasho aan la shaacin ku tegey dalka Ukraine isagoo ku wareegay bartamaha Kyiv, waxaana uu ballan qaaday inuu garab istaagi doono Ukraine.
Xisbiga Himilo Qaran oo kasoo horjeestay muddo kororsi loo sameyn rabo Hay’adaha DF
Feb. 20 (Jowhar.com-Xisbiga Himilo Qaran ee uu madaxda ka yahay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa kasoo horjeestay waxa uu ku tilmaamay muddo kororsi la damacsan yahay in loo sameeyo Hay’adaha dawladda Federaalka.
Bandow xiliga habeenkii ah oo lagu soo rogay magaalada Xarardheere
Feb. 20 (Jowhar.com-Saraakiisha ciidamadda xoogga dalka ayaa soo saaray awaamir culus oo la xiriirta sugida amniga magaalada Xarardheere oo dhawaan laga saaray kooxda Al-Shabaab.
Xaalada caafimaad madaxweynihii hore ee Mareykanka Jimmy Carter oo laga deyrinayo
Feb. 20 (Jowhar.com)-Xaaladda Caafimaad ee Madaxweynihii hore ee Mareykanka Jimmy Carter, oo ah 98-jir ah ayaa laga walaacsan yahay kadib markii laga saaray isbitaalka, isla markaan lagu celiyay gurigiisa, halkaas oo uu ku helayo daryeel…
Hanti-dhowraha cusub ee Qaranka Guutaale oo xilka si rasmi ah ula wareegay
Feb. 19 (Jowhar.com)-Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa xilka u kala wareejiyey Hanti Dhowraha cusub ee Qaranka Mudane Axmed Ciise Guutaale iyo Hanti Dhowrihii hore Mudane Maxamed…
Taliyaha booliska gobolka Bari oo lagu dhaawacay magaalada Boosaaso
Feb. 19 (Jowhar.com)-Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Bari, Cabdulqaadir Jaamac Dirir ayaa ku dhaawacmay iska hor-imaad dhexmaray shacab careysab iyo ciidamadda amaanka.
Xasan Sheekh iyo William Ruto oo wadahadal gaar ah ku yeeshay Addis-ababa
Feb. 19 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Addis-ababa, Madaxweynaha dalka Kenya mudane William Ruto.
Xukun lagu riday sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda oo Shabaab la shaqeynayay
Feb. 19 (Jowhar.com)-Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamadda qalabka sida ayaa maanta xukun xabsi oo 15 sano ah ku riday sarkaal ka tirsan ciidamadda xoogga dalka oo loo heysto la shaqeynta Shabaab.
Ciidamadda amaanka oo Muqdisho ku toogtay nin dil qorsheynayay
Feb. 19 (Jowhar.com-Ciidamadda amaanka ayaa deegaanka Garasbaaleey ee duleedka magaalada Muqdisho ku dishay nin hubeysan, kaasoo lagu sheegay inuu ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.
Mareykanka oo Ruushka ku eedeeyay danbiyo dagaal inta uu socdo dagaalka Ukraine
Feb. 19 (Jowhar.com)-Maamulka madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa kama dambeys caddeeyey in dalka Ruushku uu galay “dambiyo ka dhan ah bani’aadaminimada” intii lagu jiray duullaanka sanadka socday ee uu Ukraine ku qaaday, sida ay…
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Madaxda dalalka Ethiopia,Burundi iyo Tanzania
Feb. 18 (Jowhar.com-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira kulamo uu la yeelanayo madaxda ka qayb galaysa shir madaxeedka 36-aad ee Midowga Afrika ee ka socda magaalada Addis-ababa ayaa…
Sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda oo lagu dilay qarax loogu xiray sariirtii uu jiifay
Feb. 18 (Jowhar.com-Wararka ka imanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in qarax Miino lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan ciidamadda xoogga dalka ee ku sugan degmada Beeldxaawo ee dhacda xadka Kenya.
Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare oo si kala gaar gaar ah u Ansixiyay Hindise Sharciyeedyo
Feb. 18 (Jowhar.com)-Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka JFS ayaa maanta ansixiyay hindise sharciyeedyada kala ah Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda iyo ‘Nidaamka Maaliyadeed ee kheyraadka dhulka hoostiisa.
Dad ka barakacay colaada Laascaanood oo u gudbay dalka Itoobiya
Feb. 18 (Jowhar.com-In ka badan 60,000 oo Soomaali ah, oo u badan haween iyo carruur, ayaa u qaxay Ismaamulka Soomaalida Itoobiya dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay.