Browsing Category
NEWS
NEWS
Rooble;”Waxaan soo bandhigayaa qorshaha doorashoyinka iyo fulinta qorshaha Amniga…
Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo goor dhow warbaahinta dowlada ka hadlay ayaa soo dhoweeyay sida loogu wareejiyay xukuumada uu madaxda ka yahay howlaha doorashooyinka iyo amniga doorashooyinka iyo weliba amniga guud ee qaranka.
Turkiga oo soo dhoweeyay dib uga laabashada muddo kororsiga
Turkiga ayaa soo dhoweeyay go’aankii baarlamaanka Soomaaliya uu Sabtidii qaatay kaasoo dhigayay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u dhacdo doorashada dalka Soomaaliya.
Ergeyga gaarka ah ee dowlada Qatar oo soo gaaray Muqdisho
Ergeyga Gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar u qaabilsan dhex dhexaadinta xalinta khilaafaadka Dr. Mutlaq Al-Qahtani.
Maraykanka iyo Ingiriiska oo soo dhaweeyay Ka Laabashada Muddo Kororsiga
Dowladaha Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa soo dhoweeyay tallaabadii ay maanta Madaxweyne Farmaajo iyo Golaha Shacabka uga laabteen muddo kororsiga.
Shariif Sheekh oo la kulmay Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle
Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa la kulmay Madaxweynayaasha Maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo Cali Xuseen Gudlaawe.
Golaha Shacabka oo ansixiyay in dib loogu laabto heshiiskii 17 Sep
Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa codsiga madaxweynaha kaddib u codeeyay in dib loogu laabto heshiiskii 17 Sebtembar waxayna ku waafaqeen madaxweynaha.
Farmaajo oo ku wareejiyay Ra’iisal Wasaare Rooble hoggaaminta doorashada iyo amniga
Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khudbad uu ka jeediyay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Ergeyga dowlada Qadar Mutlaq Al Qahtani oo gaaray magaalada Hargeysa
Ergeyga gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar Dr. Mutlaq Al Qahtani ayaa gaaray magaalada Hargeysa ee caasimadda Maamulka Somaliland.
Kenya oo joojinaysa in ragga iyo dumarka askarta ah is guursadaan
Dowlada Kenya ayaa qorshaynaysa in ay mamnuucdo in xiriir jacayl iyo mid guur ah dhex maro ragga iyo dumarka ka tirsan ciidamada booliska ah.
Farmaajo oo ka hadlay maalinta shaqaalaha adduunka
Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada ayaa loogaga hadlay maalinta Shaqalaha Adduunka iyadoo qoraalkana aan magaciisa lagu xusin Madaxweynaha xillgiisu dhamaaday ee Farmaajo.
Wabiga Shabelle oo ka fatahay deegaano ka tirsan degmada Jowhar
Wabiga Shabelle ayaa ka fatahay deegaanka Moyko iyo Baareey oo ka kala xiga dhinaca Koofur Bari iyo Waqooyi Bari caasimada dowlada goboleedka Hirshabelle ee Jowhar.
Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta kulan gaar ah yeelanaya
Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta hortagaya Xildhibaannada golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya si uu qudbad ku saabsan arrimaha doorashada dalka uga jeediyo.
Wargeyska New York Times oo shaaciyay sababta uu Farmaajo isaga dhiibay Dhalashada Maraykanka
Wargeyska New York Times ee ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa warbixin dheer ka qoray xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka Soomaliya isagoo kashifay sababta rasmiga ah ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo isaga dhiibay Baasaboorka Maraykanka.
Midowga Mushraaxiinta oo u digey Golaha Shacabka baaqna u jeediyay Ra’iisul Wasaaraha
Midowga Musharaxiinta ayaa uga digay guddoonka Golaha shacabka ee muddo xileedkiisa dhamaaday inay qaadaan tallaabooyin lagu dibindaabinayo xasilloonida iyo geeddi socodka doorashooyinka dalka sidii dhacday 12 April iyaga iyo tiro…
Waa maxay ujeedada Ergeyga dowlada Qadar uu Muqdisho u imanayo?
Ergayga gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Qatar u qaabilsan La Dagaalanka Argagixisada iyo Dhexdhexaadinta Khilaafyada Dr. Mutlaq bin Majed Al-Qahtani ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu soo gaaro caasimada dalka ee Muqdisho.
Gaari waxyaalaha qarxa lagu raray oo lagu gubay gobolka Shabelaha Hoose
Ciidanka sida gaarka ah ugu tababaran ee Kumaandooska Danab ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka Jilib Marka ee ka tirsan gobolka Shabeellada hoose waxa ay ku gubeen Gaari waxyaalaha qarxa lagu soo raray.