Dagaalka u dhexeeya Iran Iyo Israel oo maalintii 8aad galay
Jun 20 (Jowhar)-Israel iyo Iran ayaa wali sii wada weerarada gantaalada ay isweydaarsanayaan maalintii sideedaad, iyadoo boqolaal kun oo ruux ay mudaaharaadyo ka dhan ah Israel ay ka dhigeen wadooyinka Tehran.
Ugu yaraan 23 qof, oo ay ku jiraan saddex xaaladood oo halis ah, ayaa ku dhaawacmay Israel ka dib markii Iran ay gantaalo ku weerartay magaalooyin badan oo ku yaal Israel maanta.
Weerarka maanta ee ay Iran ku qaaday Israel ayaa ka dhacay magaalada Karmiel ee Waqooyiga Israel iyadoo wararka qaarna ay sheegayaan in haweeney ay dhimatay dhaawacyada soo gaaray.
Afhayeen u hadlay ilaalada kacaanka ee dalka Iran ayaa sheegay in weerarkii ugu dambeeyay lala beegsaday saldhigyo militari, warshadaha hubka iyo taliska Milatari ee Israel.
Wasiirka arrimaha dibadda Iran Cabbaas Araghchi ayaa magaalada Geneva kula kulmaya mas’uuliyiin ka socotay qaar ka mid ah wadamada Yurub si ay uga wadahadlaan barnaamijka Nukliyeerka ee Iran iyo soo afjaridda weerarrada Israel.
Isagoo la hadlaya Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ee magaalada Switzerland, Araghchi wuxuu dhalleeceeyay weerarrada Israa’iil oo uu ku tilmaamay “khiyaano” dadaallada diblomaasiyadeed ee Mareykanka, isagoo sheegay in Iran Mareykanka ay sabab u tahay “heshiis rajo leh” oo ku saabsan barnaamijka Nukliyeerka Iran.
Aqalka Cad ayaa sheegay in madaxweyne Donald Trump uu go’aamin doona labada toddobaad ee soo socda in Maraykanku uu Israa’iil kula biiri doono weerarka Iran Iyo inkale.