Jubaland oo bilowday howlgalo cusub oo ka dhanka ah kooxda Shabaab

May 11 (Jowhar) Ciidanka maamulka Jubbaland ayaa wada howlgallo ballaaran oo ka dhan ah kooxda Al-shabaab, kuwaas oo lagu beegsanayo goobaha ay kaga dhuumanayaan deegaannada Jubbaland.

Saraakiisha hoggaamineysa howgaladan ayaa sheegay in ujeeddadoodu tahay ciribtirka khataraha argagixisada, sugidda amniga shacabka, iyo xaqiijinta nabadda iyo xasilloonida Gobolka.

Waxa ay tilmaameen iney sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Shabaab ilaa laga cirib tiro guud ahaan deegaannadeeda juubbaland iyo Soomaaliya oo dhan.

Shacabka ayey ugu baaqeen iney laamaha amaanka kala shaqeeyaan howlgaladan oo ay cadawga usoo sheegeen hadii ay arkeen meelaha ay ku dhuumaaleysnayaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More