Koox hubeysan oo weerar qarax Bambo ah ku weerartay guri ku yaalo magaalada Mugdisho

Oct 05 (Jowhar)-Kooxa hubeysan oo an heybtooda lagaraneyn ayaa caawa salaadii cishaha kadib qarax ku weeraray guri ku yaala magaalada Mugdisho. Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa Bambo balse aan si rasmi ah loo xaqiijin.

Wararka ayaa sheegaya inuu qaraxa ka dhacay xaafada Waberi ee Magaalada Mogadishu, kaasoo ahaa Bambo gacmeed lagu weeraray Guri uu deganaa  Abdulkadir Hassan Abdi oo u shaqeeynayay hay’ada Mercy USA ee hoostagta dowladda Mareykanka.

Inkastoo Abdulkadir uu ka maqnaa guriga xiliga uu qaraxu dhacayay, waxaase ku dhaawacmay mid kamid ah asxaabtiisa oo xiligaasi guriga ku sugnaa, iyadoo jugta qaraxa uu cabsi xooggan ku abuuray qoyska Abdulkadir oo xiligaasi guriga ku sugnaa.

Beegsiga ninkan ayaa daba socday fariimo badan oo hanjabaada ah oo uu waayihii danbe kala kulmayay kooxaha dowladnimada kasoo horjeeda, iyagoo culeys ku saarayay inuu joojiyo la shaqeynta hay’adaha deeq bixiyayaasha ah oo ay u arkaan kuwo kasoo horjeeda danohooda guracan ee daadinta dhiigga bulshada.

Kooxaha nabad diidka ah dhowr jeer oo hore sidan oo kale waxey weeraro ugu bartilmaameedsadeen shaqaale badan oo hay’ adaha wadamada shisheeye, iyagoo weeraradaasi qaarkood ay ku dileen dad fara badan, halka kuwa ay ku dhaawaceen, kuwana ay ku afduubteen, iyadoo ay jiraan qaar badan oo haldoorkii dhalinyarada kamid ah ee dalka falalkaasi darted isaga cararay, si ay nafsadooda ula baxsadaan.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More