koox hubeysan oo wiil dhalinyara ahaa caawa ku dishay degmada Afgooye

May 10(Jowhar)Kooxo Bistoolado ku hubeysan ayaa goordhow degmada Afgooye ku dishay wiil dhalinyara ah, kaasoo si weyn looga yaqaanay magaalada.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Maxamed Shariif Xaajiyoow oo loo yaqaanay (Maahi) ayaa xiliga la dilayay waxa uu kasoo baxay hoyga uu ka dagan yahay magaalada, waxaana qeybaha sare ee jirka ka toogtay dabley Shabaab ah.

Marxuum Maxamed Shariif oo mudooyinkan ku shaqeysan jiray Mooto Feykan ayaan la garaneynin sababta rasmiga ah ee ka danbeysa dilkiisa, wuxuuna hore uga soo shaqeeyay isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho.

Ciidamadda amaanka oo tagay halka dilka uu ka dhacay ayaa sameeyay howlgalo baaritaano ah, iyagoo ku fashilmay soo qabashada danbiilayaashio dilka ka danbeeyay.

Amniga degmada Afgooye ayaa laga deyrinayaa, waxaana mudooyinkan culeys soo saartay koxoda Al-shabaab.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More