Wasiir Fiqi oo kulan la qaatay Taliyaha ciidanka Difaaca Talyaaniga

May 30 (Jowhar) Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta la kulmay Taliyaha Ciidanka Difaaca Dowladda Talyaaniga, General Luciano Portolano, iyo Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya, Danjire Pier Daccò Coppi.

Kulanka ayaa looga wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhanka difaaca, kor u qaadidda tayada iyo tababarada Ciidamada Xoogga Dalka (CXD), iyo adkeynta doorka taageerada joogtada ah ee Dowladda Talyaanigu ay ka qaadato dagaalka ciribtirka kooxaha argagixisada ah.

Wasiirka Fiqi ayaa mas’uuliyiintan warbixin ka siiyay dagaalka dowladda ay kula

Jirto kooxda Shabaab, si gaarka ah midka haatan ka socdo gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Dowladda Talyaaniga ayaa kamid ah wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya, taageero dhinacyo kala duwan leh ayey sidoo kale siiyaan dalka .

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More