Mas’uuliyiin ka tirsan gobolka Banaadir oo qarax lagula eegtay Daaru-salaam

May 09 (Jowhar) Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax xooggan degnada Daaru-salaam lagula eegtay mas’uuliyiin ka tirsan degmada Deyniile.

Qaraxa oo ahaa Miino nooca dhulka la galiyay ayaa si gaar ah uga dhacday Luuqa Al-buruun, waxaana qaraxa uu qabsaday gaari uu watay Gudoomiye Kuxigeenka Siyaasada degmada Deyniile.

Saraakiil laamaha amaanka ah ayaa inoo xaqiijiyay in qaraxa uu dhaawac daran kasoo gaaray gudoomiye Waaxeed ka tirsan degmada Deyniile oo la socday madaxa Siyaasada degmadaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaraxan ay ku naf waayeen laba dhalinyaro ah oo midi Darawal Mooto Bajaaj ahaa, halka ruuxa kalena uu ahaa qof mootada saarnaa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More