Wararkii u danbeeyay qarax ka dhacay magaalada Kismaayo

Oct 13 (Jowhar)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax xooggan oo galabta ka dhacay magaalada Kismaayo gaar ahaan xaafada Farjano, kaasoo si weyn jugtiisa looga maqlay xaafadaha magaalada.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhajisaka ayaa waxaa gaarigiisa loogu xiray mid kamid ah shaqaalaha hay’adaha Qarmada Midoobe hoostaga gaar ahaan hay’ada UNDP eo xafiis ku leh xarunta magaalada Kismayo walow ilaa hadda aan la ogeyn cid wax ku noqotay.

Dad goob joogayaal ah ayaa ku warramay in qaraxa uu ka badbaaday ninka bartilmaameedka ahaa oo lagu magacaabo Ibraahim Abdullahi Hussein, iyadoo qaraxa uu dhacay daqiiqado kadib markii uu gaariga isaga dagay oo uu gurigiisa galay.

Ciidamada amniga ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay, iyagoo muddo hakiyey isku socodka dadka iyo gaadiidka, waxaana gaariga gaaray burbur.

Saraakiil ka tirsan laamaha amaanka ayaa warbaahinta gudaha u sheegay, in Ibraahim uu maalmihii lasoo dhaafax hanjabaado kala duwan eo dhinaca tilifoonka ah uu kala kulmaxay kooxaha argagixisada ah, iyagoo ugu hanjabavax iney dilayaan haduusan deg deg isaga harin la shageynta hay’adaha Qaramada Midoobe ama uu isaga tago wadanka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More