Heshis hordhac ah oo laga gaaray qaab dhismeedka xisbiga JSP

May 09 (Jowhar) Qaab dhismeedka Hoggaanka Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka JSP oo ay ku mideysan yihiin Madaxda DFS iyo dowlad Goboleedyada ayaa ku dhow heshiis in laga gaaro.

Wadatashiyadii u dambeeyay ayaa la isku afgartay qaab dhismeedka Xisbiga oo wax laga bedelay sidii markii hore la saadaalinayay inuu noqdo waxaana qaab dhismeedkiisa yahay:

1- Guddoomiyaha Xisbiga ahna Musharax Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud

2- Guddoomiye Kuxigeenka 1aad C/casiis Lafta Gareen

3- Guddoomiye Kuxigeenka 2aad Ra’iisul Wasaare Xamse

4- Xoghayaha Guud ee Xisbiga C/raxmaan Odawaa

Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen oo markii hore dood ka keenay hannaanka qaab dhismeedka Xisbiga ayaa maalinta berri dib ugu soo laabanaya Muqdisho, si loo dhammeystiro wadatashiyada, ugu dambeyn maalinta Talaadada la isla qaato inay dhacdo Xafladda shaacinta Xisbiga

Haddii si rasmiga ah loogu dhawaaqo Isbaheysigan cusub ee ay ku mideysan yihiin Madaxda xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran ayaa durba wuxuu u muuqan doonaa mid lagu bedelay Xisbi. Tijaabadan oo kale horay ayey dalka u soo martay, iyadoo hal Xisbi oo xubnaha sare ee dowlad oo idil sida Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaare,  Guddoomiye Baarlamaan, Xildhibaanada, saraakiisha dowladda oo dhan ku wada jiraan, haddana waxay noqotay tijaabo horay loogu soo hoogay.

Waxaa kaloo dad badan is waydiinayaan sida uu Xisbigu ku soo socon karo, maadaama uu yahay Isbahaysi isku danaysi ah oo dhinacyada ka mid ah ay muddo dheereysi iyo inay xukunka sii joogaan ka fikiraya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More