Hindiya iyo Pakistan oo xabad joojin ku heshiiyay

May 10(Jowhar) Hindiya iyo Pakistan ayaa ka wada hadli doona arrimo dhowr ah, sida uu sheegay xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Marco Rubio.

Wuxuu sheegay in labada dal “ay isku raaceen xabbad-joojin degdeg ah ayna bilaabaan ka wada hadalka arrimo dhowr ah kuwaasoo lagu qabanayo goob dhexdhexaad ah”.

Qoraal uu soo dhigay barta X, wuxuu intaa raaciyay: “Waxaan ku bogaadineynaa raysal wasaareyaasha Modi iyo Sharif xikmaddooda, digtoonaan, iyo dawladnimo lagu dooranayo waddada nabadda.”

Wuxuu sheegay in isaga iyo madaxweyne ku xigeenka Mareykanka JD Vance ay 48 saac ee lasoo dhaafay la qaateen saraakiisha Hindiya iyo Pakistan, oo ay ku jiraan raysal wasaareyaasha Narendra Modi iyo Shehbaz Sharif.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More