Trump oo soo dhaweeyay go’aan ay gaartay Maxkamada Sare ee Maraykanka

Jun 27 (Jowhar)-Maxkamada sare ee dalka Mareykanka ayaa soo saartay go’aan lagu xakamaynayo awooda garsoorayaasha maxkamadaha Hoose kuwaasoo ishortaag u sameyn karay go’aamada Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

Go’aanka maxkamada sare ee kiiskan ayaa muujinaya guul la taaban karo oo u soo hoyatay maamulka Trump, kaas oo la kulmay qaar ka mid ah go’aano u gaaay inay xayireen garsoorayaasha maxkamadaha.

Trump ayaa ku tilmaamay go’aanka maxkamadda sare guul weyn iyadoo go’aanka Maxkamada sare si weyn looga soo dhaweeyeen Aqalka Cad.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Pam Bondi ayaana sheegay inay joojin doonaan xadgudubyada aan dhammaadka lahayn ee amarada ka dhanka ah ajendaha madaxweynaha.

Hase yeeshee, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Gobolka New York Letitia James ayaa xukunka ku tilmaantay dib u dhac qoto dheer oo niyad jab ku ah qoysaska hadda wajahaya hubanti la’aan iyo khatar weyn.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More