Madaxweyne Xasan oo gaaray Qaahira iyo kulamo socda
Jul 07 (Jowhar) Madaxweynaha dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar.
Inta uu booqashada ku guda jiro, waxaa lagu wadaa in uu la kulmo Madaxweyne Cabdel Fattah Al-Sisi oo ay ka wadahadlaan ballaarinta iskaashiga dhinacyada ammaanka, horumarinta dhaqaalaha, waxbarashada, iyo xasilloonida gobolka.
Madaxwayne Xasan ayaa muddooyiinkii u dambeeyay dhowr booqasho ku tagay dalka Masar gaar ahaan intii ay taagnayd xiisaddii muranka dhanak badda ee u dhaxeeyay soomaaliya iyo Itoobiya.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale la filayaa inuu kulan la qaato Soomaalida ku nool Qaahira oo uu warbixin kasiiyo xaaladda haayan ee dalka.