Browsing Category
NEWS
NEWS
Axmed Madoobe oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho
Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed madoobe ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxaana si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.
Taliyaha Ciidanka Booliska Jowhar oo ka hadlay shaqaaqo shalay ka dhacday Jowhar
Taliyaha Saldhigga Booliska magaalada Jowhar Maxamed Siyaad Cali Canjeex ayaa sheegay in kooxdii shalay soo weerartay magaalada Jowhar ay ahaayeen shufto dhibaato ku haysay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Sh/dhexe.
Madaxweynaha Koofurgalbeed Cabdicasiis Laftagareen oo soo gaaray magaalada Muqdisho
Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen ayaa soo gaaray magaalada caasimada ee Muqdisho, isaga oo ka qeyb galaya shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka.
Madaxweyne ku xigeenkii hore Puntland Cabdisamad Cali oo geeriyooday
Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Maamulka Puntland Cabdisamad Cali Shire ayaa ku geeriyooday magaalada Muqdisho caasimada dalka Soomaaliya.
Rooble oo rajo ka muujiyay shirka arrimaha doorashooyinka
Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey mira-dhalka shirka loo balansan yahay inuu maanta Muqdisho ka furmo.
Axmed Madoobe oo magacaabay Golahiisa Wasiirada
Madaxweynaha Dowlada goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa xalay magaacabay xubnaha cusub ee Golaha Wasiirada.
Madaxweynaha Galmudug Qoorqoor oo gaaray magaalada Muqdisho
Madaxweynaha dawlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka degey caawa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Faahfaahin ka soo baxaysa qarax ka dhacay duleedka bari magaalada Jowhar
Ugu yaraan Labo askari ayaa ku geeriyootay dhowr kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii ay miino la qaraxday gaari ay saarnaayeen duleedka bari ee magaalada Jowhar.
Gaariga ay miinada la qaraxday ayaa ka mid ahaa gawaari ku sii jeeday…
Midowga Musharaxiinta oo dalbaday inay ka qeybgalaan Shirka Arrimaha Doorashooyinka
Shir jaraa'id oo uu maanta ku qabtay magaalada Muqdisho afhayeenka Midowga Musharaxiinta Daahir Maxamuud Geelle ayuu ku sheegay in wadahadalada arrimaha doorashooyinka ay tahay inay ka qeybgalaan musharaxiinta iyo qeybaha kala duwan ee…
Mahdi Guuleed oo beeniyay in dowlada Soomaaliya iyo kenya ay heshiis ka gaareen khilaafka badda
Ra’iisalwasaare ku xigeenka xukuumada Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa beeniyay warar sheegayay in dowlada Kenya iyo Dowlada Soomaaliya ay heshiis ka gaareen khilaafka badda.
Sarkaal ka tirsan madaxtooyada Hirshabelle oo ku dhintey dagaal ka dhacay Jowhar
Iskahorimaad hubeysan oo ka dhacay saaka magaalada Jowhar caasimada dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa sheegaya in sarkaal ka tirsan madaxtooyada Hirshabelle uu ka mid noqday dadkii ku dhintey iskahorimaadkan.
Dagaal xoog leh oo ka socda magaalada Jowhar
Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegaya in uu dagaal ka dhex qarxay ciidanka dowladda Federaalka iyo Kooxda Macwiisley.
Japan iyo UNICEF oo iska kaashanaya tallaalka COVID-19 dalka Soomaaliya
Dowladda Japan, oo lacag soo marineysa iskaashiga wada-shaqeynta ah ee ay la leedahay UNICEF, ayaa ku deeqdey ku dhowaad $900,000 oo ah deeq degdeg ah oo lagu sii wanaajinayo maareynta qaboojiyeyaasha tallaalka COVID-19 ee Soomaaliya.
Askar Kenyan ah oo lagu diley qarax ka dhac ay Lamu
Ugu yaraan laba ka mid ah ciidamada ammaanka ayaa la dilay , seddex kalena waa la dhaawacay ka dib markii gaari xamuul ah oo ay la socdeen uu dulmaray miino deegaanka Baure, ee gobolka Lamu.
Muuse Biixi;”Soomaaliya waa dalka kaliya ee aqoonsigeena ka soo horjeeda”
Madaxwaynaha Jamhuuriyadda la magac baxday madaxbanaanida ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay caqabadaha hortaagan in maamulkiisu uu helo aqoonsi caalami ah.
Farmaajo;”Doorashooyinka dadban ma aha kuwo u wanaagsan Soomaaliya,”
Madaxweynaha Soomaaliya ee waqtigiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maqaal uu ku qoray jariiradda Foreign Policy ee Maraykanka waxa uu ku sheegay in aan lagu eedeyn karin dib u dhaca doorashada.