Khayre, Cumar C/rashiid iyo Shariif Xasan oo kusoo wajahan Muqdisho

May 22(Jowhar) Sida ay sheegayaan ilo wareed lagu kalsoonyahay, waxaa maanta Muqdisho ku soo wajahan ra’iisuo wasaarayaashii hore ee dalka Xasan Cali Khayre  iyo Cumar Cabdirashiid oo ka iman doona Nairobi, halka Turkiga uu kasoo duulayo Guddoomiyihii hore baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Maalmaha Axad iyo Isniin waxaa iyadana Muqdisho iman doona RW hore Eng. Maxamed Xuseen Rooble, RW hore Saacid Shirdoon, Xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble iyo Guddoomiyihii hore baarlamaanka Maxamed Mursal oo dhammaantood hadda ku sugan Nairobi.

Waxa ay ku biiri doonaan MW hore Sheekh Shariif iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cavdishakuur Warsame oo Muqdisho ku sugan aadna u dhaliila nidaamka maamul ee madaxweyne Xasan.

Sida qorshuhu yahay waxa ay yeelan doonaan kulamo maalmo socon doona si ay uga doodaan doorasho raalli lagawada yahay oo waqtigeeda ku dhacda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More